Liverpool ayaa isha ku haysa qaab ciyaareedka Declan Rice ee England ee koobka adduunka ka hor inta ayna suurtogal ahayn in ay xagaaga dalab ka gudbiso 23 jirka khadka dhexe ee West Ham United . Football Insider 

Chelsea ayaa xiiseyneysa inay lasoo saxiixato xiddiga West Ham Declan Rice, 23, iyo Borussia Dortmund’s Jude Bellingham, 19, laakiin waxaa laga yaabaa inay bixiso ilaa 280 milyan ginni si ay u soo xerogeliyaan ciyaartoyda khadka dhexe ee England xagaaga. Express

Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa ku dhow inuu ogolaado qandaraas cusub oo dhacaya xagaaga 2025. Sport – in Spanish

Kooxaha Serie A-da ee Inter Milan iyo Juventus ayaa ku dagaalamaya saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda chelsea ee United States Christian Pulisic oo 24 jir ah Fichajes – in Spanish

Atletico Madrid ayaa u ogolaan doonta Joao Felix, 23, inuu amaah kaga tago kooxda ka dib markii aysan wax dalab ah ka helin weeraryahanka Portugal, kaasoo lala xiriirinayo Manchester United iyo Paris St-Germain . AS – in spanish

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England Jordan Pickford, oo 28 jir ah, iyo labada ciyaaryahan ee Spain David Raya ee Brentford iyo 25 jirka Robert Sanchez ee Brighton ayaa xiiso u leh Tottenham iyagoo raadinaya bedelka mustaqbalka fog goolhayaha France Hugo Lloris, 35. 90Min

Chelsea ayaa ku dhow inay dhamaystirto saxiixa Christopher Nkunku kaas oo 25 jirka weerarka uga ciyaara kooxda RB Leipzig ka keeni doona 1da Luulyo. Le10 Sport – in french)l

Newcastle United ayaa bartilmaameedsan doonta weeraryahanka reer Serbia ee Juventus Dusan Vlahovic, oo 22 jir ah, haddii ay xaqiijiyaan u soo bixitaanka Champions League xilli ciyaareedka soo socda. Calciomercatoweb -in Italia

Real Madrid ayaan wax qorshe ah u haynin in ay dib ula soo saxiixato 37 jirka reer Portugal ee Cristiano Ronaldo bisha January. Marca – in Spanish

Bournemouth ayaa qarka u saaran inay tababare ku meel gaadh ah u magacawdo Gary O’Neil si ay u noqoto tababare joogto ah ka dib markii ay burbureen wadahadalo ay kula jireen tababarihii hore ee Leeds United Marcelo Bielsa. Football Insider

O’Neil ayaa doonaya inuu caawiye ka dhigo tababarihii hore ee Blackpool Neil Critchley hadii uu helo shaqada joogtada ah ee Bournemouth . Sun

Qandaraaska khadka dhexe ee Spain Marco Asensio ee Real Madrid ayaa ku eg xagaaga xagaaga, 26 jirkaan ayaa sheegay inuu rajeynayo inuu heshiis cusub la gaaro kooxda ka dhisan Bernabeu, iyadoo go’aan laga gaari doono mustaqbalkiisa ka dib Koobka Adduunka. Radio Marca, via Goal

Tababarihii hore ee kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa ogolaaday in uu badalo Didier Deschamps oo ah tababaraha xulka qaranka France kadib koobka adduunka. Mundo Deportivo – in Spanish

Maareeyihii hore ee Burnley Sean Dyche ayaa xiiseynaya inuu Rangers kala hadlo booskooda maamuleed ee banaan ka dib markii ay ceyriyeen Giovanni van Bronckhorst. Football Insider 

Paris St-Germain ayaa indha-indheeyayaal u dirtay inay daawadaan weeraryahanka Arsenal Gabriel Martinelli, oo 21 jir ah, una ciyaaraya Brazil Koobka Adduunka. Todofichajes – in Spanish

Tottenham ayaa ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo 29-jirka khadka dhexe uga ciyaara kooxda Atalanta ee Ruslan Malinovskyi. Calciomercato – in Italia.

Bayern Munich ayaa kooxo badan oo ay ku jirto Arsenal wax ka waydiiyeen xaalada xiddiga garabka uga ciyaara Germany ee Leroy Sane laakiin kooxda difaacanaysa Bundesliga ayaan doonayn in ay iska iibiso 26 jirkan. 90 min

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here