Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Xaaalada Dhaawacii Lionel Messi Soo Gaadhay Kulankii Valencia, Miyuu Taam U Yahay Kulanka El Clasico?

Xiddiga weerarka uga ciyaara Ahna kabtanka Barcelona ee Lionel Messi ayuu dhaawac soo gaadhay kulankii ay kooxda Barcelona bar-baraha la gashay kooxda Valencia kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga.

Idaacada RAC 1 ayaa xaqiijisay in xiddiga reer Argentine uu ka dhaawacmay Muruqa Bawdada Midig waxana uu seegi doonaa kulanka El Clasico ee ay Barcelona la ciyaari doonto kooxda Real Madrid lugta 1-aad ee Semi-finalka Copa Del Rey-ga.

Ilo wareedyo kale ayaa sheegaya in uuna xiddigu wali wax baadhitaano ah marin oo uu xiddigu caafimaad qabo dhaawaciisuna ahayn mid halis ah.

Idaacada ayaa intaas ku daraysa in ay dhakhaatiirta kooxdu ku kalsoon yihiin in uuna xiddigu wax dhib ah qabin markii ay ciyaartu dhamaatayna caadi noqday.

Waxa la filayaa in uu xiddigu qaato Nasasho muddo 42 saac ah si uu maalinta Isniinta u maro baadhitaank si loo ogaado xaaladiisa.

“Ma garanaya waxa uu saxdii yahay”.

“Waxa laga yaabaa in uu raaxo la,aan yar dareemay”.

“Waan sugi doonaa waxa ay dhakhaatiirtu yidhaahdaan marka ay qiimeeyaan arintas”.

“Waxa aan filayaa in uuna ahayn dhaawac halis ah, laakiin waxba kama sheegi karo arimahaas”ayuu tababare Valverde yidhi ciyaarta kadib.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here