Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Dhaawaca Lionel Messi & Fursadihiisa Kulanka El Clasico.

Dhaawaca soo gaadhay xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Mess kulankii Valencia ayaa baqdin weyn ku abuuray qalbiga taageerayaasha kooxda Barcelona iyo waliba tababaraha kooxda Barcelona.

Lionel Messi ayuu dhaawac soo gaadhay kulankii ay Barcelona bar-baraha la gashay kooxda Valencia kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga todobaadkiisii 22-aad.

Sida laga soo xigtay wargayska AS dhaawacii soo gaadhay xiddiga reer Argentine ayaa haatan u muuqda mid hoos u dhacay.

Wargayska ayaa sheegaya in uuna kabtanka Barcelona haatan dareemayn wax xanuun ah dhaawacii soo gaadhay kulankii xalay.

Ilo wareedyo ku dhaw kooxda Barcelona ayaa sheegaya in ay wax walba u muuqdaan si caadi ah oo uu Messi ka fiican uga soo kabsan doono dhaawaca.

Wargayska ayaa sheegaya in uu xiddiga reer Argentine diyaar u noqon karo in uu ciyaaro kulanka Arbacada ee ay la ciyaari doonaan kooxda Real Madrid.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here