Wararka ugu waaweyn Italy iyo waxyaabaha kooxdaada ka cusub.

0

Kooxda kubadda cagta ee Juventus ayaa waxa ay horkaceysaa raacdada loogu jiro Aaron Ramsey oo Arsenal bilaash kaga tagi doona xagaaga soo aaddan.

Kooxda reer France ee Nice ayaa Mario Balotelli madaxiisa dul saartay lacag dhan €1.5m illaa €3m, iyadoo Fiorentina iyo Olympique Marseille.

Manchester United ayaa waxa ay Indha-indheeyayaal u dirtay garoonka Juventus Stadium si ay usoo daawadaan difaaca kooxda Roma ee Kostas Manolas.

AC Milan ayaa fursad laba ciyaarood ah siisay Gennaro Gattuso si shaqadiisa u badbaadsado, waxaana waajib ku ah in uu guuleysto kullamada SPAL iyo Frosinone.

AS Roma ayaa waxa ay diyaar u tahay inay lasoo saxiixato ciyaarahanka reer Chile ee Erick Pulgar, kaasoo qadka dhexe kaga ciyaara kooxda Bologna.

Max Allegri ayaa macquul ka dhigay in kullanka soo aaddan Cristiano Ronaldo uusan ka qayb noqonin, isagoo tilmaamay inuu nasin karo.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here