Sida laga soo xigtay The Telegraph, Chelsea ayaa diyaar u ah inay 200 milyan ginni ku qarashgareyso saxiixa xiddigaha England Declan Rice iyo Jude Bellingham. Kooxda ayaa dooneysay inay dib u habeyn ku sameyso khadka dhexe, waxaana ay u muuqataa inay xiiseynayaan labada ciyaaryahan ee Bellingham iyo Rice.

Labada Jorginho iyo N’golo Kante ayaa qandaraaskoodu dhacayaa dhamaadka xagaaga, iyadoo Graham Potter uu ugaarsanayo bedelka suurtagalka ah.

Blues ayaa ku wareegaysay labada ciyaaryahan muddo dheer, waxaana laga yaabaa inay tartan adag kala kulmaan kooxaha kale ee Ingariiska, gaar ahaan Bellingham.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here