Warar Hordhac ah Oo Maanta Ka Soo Baxaya Xaalada Dhaawac Ee Lionel Messi & Wargayska AS Oo Kashifay Dareenka Ku Hareeraysan Kooxda Barcelona.

Taageerayaasha, Xiddigaha iyo waliba maamulka kooxda Barcelona ayaa u dhag taagaya war kasta oo ka soo baxa xaalada dhaawaca ee xiddiga kooxda ugu muhiimsan ee Lionel Messi.

Wargayska AS ayaa war xun u soo saartay kooxda Barcelona oo ku saabsan xaalada Kabtankooda Lionel Messi kadib markii uu maanta soo xaadiray tababarka.

Xiddiga reer Argentine ayaa saacadaha soo socda mari doona baadhitaan buuxa si loo ogaado xaalada xiddiga reer Argentine.

Laakiin wargayska AS ayaa sheegaya in uu xiddiga reer Argentine wali dareemay xanuunkii uu dareemay markii uu dhaawacu soo gaadhay.

Xiddiga oo uu dhaawac ka soo gaadhay bawdada lugta midig ayaa la filayaa in ay madaxda caafimaadka kooxda Barcelona ogaadaan suurtagalnimada uu xiddigu Arbacada ku ciyaari karo kulanka Real.

Wargayska ayaa intaas sii raacinaya in ayna xaalada ku hareeraysan kooxdu ahayn mid fiican iyada oo si weyn loo filayo in uu Lionel Messi ka maqnaado kulanka Arbacada.

Valverde ayaa dhankiisa wali sugaya go,aanka kama dambaysta ah ee xaalada xiddiga 24 saac ee soo socota si uu u dagsado qorshe uu ka maqan yahay kabtankiisu.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here