Warar Hordhac Ah Oo Ka Soo Baxay Dhaawaca Roberto Firmino

Todobaadkan ayaa ahaa mid dhaawacyo hadheeyeen qaar ka mid ah kooxaha ugu sareeya horyaalka premier League gaar ahaan kulankii Man United iyo Liverpool.

Liverpool ayuu dhaawac ka soo gaadhay xiddiga weerarka uga ciyaara ee Roberto Firmino kaas oo daqiiqadii 31-aad isaga baxay kulankii ay Liverpool bar-baraha la gashay Man United.

Xiddiga reer Brazil ayaa ka dhaawacmay kuraanta waxana uu Old Trafford kaga tagay biraha lagu boodo kadib dhamaadkii ciyaarta.

Kooxda ayaan wax warbixin ah ka soo saarin dhaawaca xiddiga laakiin waxa shalay oo Isniin ah lagu sameeyay baadhitaan buuxa.

Wargayska Daily Mail ayaa sheegaya in uu Roberto Firmino seegi doono kulanka Arbacada ay Liverpool la ciyaari doonto kooxda Watford.

Si la mid ah xiddiga ayaa shaki ku jira kulanka Axada dambe ay la ciyaari doonaan kooxda Everton kulan ka tirsan premier League.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here