Warar Cusub Oo Laga Helay Xaalada Dhaawac Ee Cristiano Ronaldo, Waa Sidee Rajadiisa Ciyaarsista Kulanka Atletico Madrid Ee Champions League

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayuu dhaawac kuraanta ah ka soo gaadhay kulankii ay kooxdiisu guusha ka gaadhay Bologna kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga.

Xiddiga reer Portugal ayaa shalay maray baadhitaan waxana uu wargayska calciomercato sheegay in uuna xiddigu ka cabanayn wax go,o ah ama jabitaan ah.

Laakiin Xiddiga ayaa wali dareemaya xanuunka dhaawaca waxana uu tababare Maxi Allegri go,aansan doonaa in uuna xiddiga ciyaarsiin kulanka Napoli.

Kooxda Juventus ayaa Axada la ciyaari doonta kooxda Napoli kulan ka tirsan Horyaalka Serie A-da ka hor inta ayna Jimcaha dambe la ciyaarin Udinese.

Kadib kulankaas Juventus ayaa ciyaari doonta kulanka ugu muhiimsan xilli ciyaareedkoodkooda marka ay marti galin doonaan Atletico Madrid kulan champions League.

Si kasta ha ahaatee wargayska calciomercato ayaan ogayn in uu Ronaldo taam u noqon doono kulanka champions League ee ay la ciyaari doonaan Atletico Madrid.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here