War U Xun Arsenal: Laba Xiddig Oo Muhiim Ah Oo Laga Dhex Waayay Xiddigihii U Safray Manchester Ka Hor Kulankooda City.

Kooxda Arsenal ayaa la ciyaari doonta kooxda Man City kulan xiiso leh oo ka tirsan toodbaadkii 25-aad ee horyaalka premier League.

Saacado ka hor kulanka Arsenal ayuu war xun u soo baxay iyada oo Liiska xiddigaha Arsenal ee u safray Manchester Laga dhex waayay laba xiddig oo muhiim ah.

Wargayska Manchester Evening News ayaa sheegaya in ay kooxda Arsenal Manchester U Duushay wakhti dambe oo xalay ah iyada oo ay ka maqan yihiin xiddigaha Granit Xhaka & Ainsley Maitland-Niles.

Xiddigaha Granit Xhaka & Ainsley Maitland-Niles ayaan midkoodna lagu arkin xiddigaha markii ay kooxdu u safraysay manchester.

Ilaa haatan ma cada sababta ay lavada xiddig ula safri waayeen kooxda laakiin waxa la sheegayaa in ay labada xiddig dhaawacyo yar-yar qabaan.

Inkasta oo uuna Xhaka si joogto ah qaab ciyaareed cajiib ah u soo bandhigin hadana waxa uu si joogto ah uga soo muuqdaa shaxda tababare Emery.

Maitland-Niles ayaa dhankiisa ka ciyaaray daafaca midig kulankii Cardiff City isaga oo buuxiyay booska uu Hector Bellerin ka dhaawacan yahay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here