WAR CUSUB: Unai Emery Oo Haatanba Banaanka Soo Dhigay Shaxda Uu Kaga Hor Tagi Doono Brighton

0

Kooxda Arsenal ayaa Arbaca la ciyaari doonta kooxda Brighton kulan ka tirsan todobaadkii 19-aad ee horyaalka Premier league maalintaas oo ah maalinta Loo yaqaano Boxing Day.

Gunners ayaa ku soo laabatay wadada guulaha kadib guuldaradii Carabao cup-ka ka soo gaadhay kooxda Tottenham iyaga oo sabtidii 3/1 ku garaacay kooxda Burnley.

Natiijadaas ayaa Arsenal ka caawisay in ay kaalinta 4-aad la gasho kooxda Chelsea xilli ay u dagaalami doonaan in ay ku dhamaystaan 4-ta kooxood ee ugu saraysa horyaalka.

Laakiin waxa ay Arbaca booqan doonaan kooxda Brihton kuwaas oo garoonkooda rikoodh cajiib ah ku leh xilli ciyaareedkan.

Emery ayaa la tacaalaya dhaawacyo badan iyada oo uu hor yaalo go,aan weyn ka hor kulanka inta uuna bilaabmin.

Hector Bellerin ayaa dhaawac kaga maqnaan doona kooxda ilaa bartamaha January halka xiddigaha Shkodran Mustafi Iyo Nacho Monreal uu shaki ku jiro kulanka kadib dhaawacyo muruqa ah.

Rob Holding Ayaa isagu seegi doonaa inta ka dhiman xilli ciyaareedkan halka uuna da,yarka Konstantinos Mavropanos wali ka soo laaban dhaawac canqawga ah.

Taas ayaa la macno ah in uu Laurent Koscielny ku bilaaban doono kulanka kadib markii uu dhaawac wakhti dheer ah ka soo kacay isaga oo daafaca la hogaamin doona Sokratis Papastathopoulo.

Xiddigaha Granit Xhaka & Ainsley Maitland-Niles ayaa daafaca ka ciyaari doona hadii ayna Xiddigaha Koscielny & Stephan Lichtsteiner taam u noqon ciyaarista kulanka.

Emery ayaa kulankii Burnley ku ciyaaray laba weerar ah waxana uu xaqiijiyay in uu sidaas ku ciyaari doono kulanka Arbacada iyada oo ay u badan tahay in ay weerarka hogaamiyaan Lacazette, Aubameyang.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here