War Cusub Oo Ka Soo Kordhay Dhaawacii Fabinho Ka Soo Gaadhay Kulankii Crystal Palace

Taageerayaasha Liverpool ayaa shaki la,aan u dhag taagayay waxa ka soo baxa xaalada xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxdooda ee Fabinho kaas oo sidoo kale ka ciyaari kara daafaca.

Fabinho ayaa dhaawac uga baxay kulankii ay Liverpool guusha ka gaadhay kooxda Crystal Palace kulan ka tirsanaa premier League.

Laakiin Fabinho ayaa ka farxiyay taageerayaasha iyo waliba kooxdiisa kadib markii uu ku soo laabtay tababarka kooxdiisa.

Warkan ayaa farxad weyn u ah Jurgen Klopp ka hor kulanka Leicester City maadama uuna haysan xiddig daafaca garabka ka ciyaara.

James Milner ayaa isagu ganaax ku seegi doona kulanka Todobaadka dambe halka ay xiddihaha Trent Alexander-Arnold & Joe Gomez dhaawac ku maqan yihiin.

Laakin Dhakhaatiirta Liverpool ayaa haatan ku rajo weyn in uu Fabinho taam noqdo marka ay ku laabtaan England kana tagaan Dubai oo ay tababar ku qaadanayaan cimilada diiran.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here