WAR CAD: Xiddigaha Man United Oo Maamulka Kooxda Ku Wargaliyay Tababaraha Ay Doonayaan

0

Xiddigaha Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay maamulka kooxda ku wargaliyeen tababaraha ay doonayaan in uu si buuxda ula wareego kooxda.

Xiddigaha Man United ayaa doonaya in uu Ole Gunnar Solskjaer si buuxda ula wareego shaqada tababaranimo ee kooxda sida ay sheegayaan wararku.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa si ku meel gaadh ah u qabtay shaqada Man United bishii December kadib markii shaqada laga caydhiyay jose Mourinho.

Maamulka Man United ayaa bilaha soo socda raadin doona tababare si buuxa ula wareega kooxda waxana ay Mauricio Pochettino u arkaan tababaraha saxda ah.

Laakiin wargayska Mirror ayaa sheegaya in ay xiddigaha Man United doonayaan in uu Ole Gunnar Solskjaer noqdo tababaraha buuxa ee kooxda.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa kooxda ku hogaamiyay 5 guulood 5-tii kulan ee uu hogaaminayay kooxda Waxana uu u muuqdaa mid soo celiyay qaab ciyaareedkii cajiibka ahaa ee kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here