WAR CAD: Mesut Ozil Oo Mar Kale Maamulka Gunners Si Cad Ugu Sheegay Go,aanka Mustaqbalkiisa Kooxda

Xiddiga Khadka dhexe ee kooxda Arsenal Ee Mesut Ozil ayaa si cad u diiday in uu isaga tago kooxda wax walba oo dhaca ilaa inta uu ka dhamaysanayo heshiiskiisa kooxda.

Tababaraha kooxda Arsenal ee Unai Emery ayaa doonaya in uu xiddiga reer Germany ku qasbo in uu isaga tago kooxda isaga oo kulamada ciyaarsiin.

Ozil ayaa kaliya hal kulan ku bilowday 10-kii kulan ee ugu dambeeyay Arsenal iyada oo laga reebay gabi ahaan kooxda kulamadii ugu dambeeyay.

Emery ayaa la fahamsan yahay in uu doonayo in uu iibiyo xiddigan 30 jirka ah si uu lacag ugu helo in uu xoojiyo kooxda.

Laakiin Ozil oo todobaadkii kooxda ka qaata lacag dhan 350 kun oo Gini ayaa diidan in uu ka tago kooxda Arsenal.

Arsenal ayaa wakhtiyadii ugu dambeeyay xiddiga u soo bandhigtay kooxaha PSG, Real Madrid, Juventus, Inter Milan iyo waliba kooxo kale oo shiinaha ah.

Laakin wargayska The Sun ayaa haatan sheegaya in uuna Ozil ka tagi doonin wax walba oo dhaca isaga oo ay ka go,antahay in uu dhamaysto heshiiskiisa kooxda.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here