War Cad: Mesut Ozil Oo Diiday In Uu Isaga Tago Kooxda Arsenal, Hal Arin Ayuu Balan Qaaday

0

Wararka ka imanaya dalka England ayaa sheegaya in uu xiddiga kooxda Arsenal ee Mesut Ozil diiday fikrada ah in uu isaga tago kooxda Arsenal inta lagu jiro suuqa Jnauary.

Waxa wakhtigii ugu dambeeyay si weyn shaki loo galiyay mustaqbalka xiddiga ee garoonka Emirates kadib markii uu tababaruhu kulamo mihiim ah ka reebay.

Wararka ayaa sheegaya in ay maamulka Gunners xitaa diyaar u yihiin in ay iska iibiyaan xiddigii hore ee Real Madrid marka la gaadho suuqa January.

Laakiin Sida laga soo xigtay ESPN xiddiga reer Germany ayaa si xoogan u diiday in uu isaga tago kooxda Arsenal suuqa January.

Warka ayaa intaas ku daraya in uu xiddiga 30 jirka ah diyaar u yahay in uu u dagaalamo dibna u helo booskiisii kooxda sida ay sheegeen ilo wareedyo ku dhaw xiddiga.

Kooxda.com ayaa xusaysa in uu Mesut Ozil qalinka ku dugay heshiis bishii February ee sanadkii 2018 kaas oo uu ku sii joogayo kooxda ilaa xagaaga 2021 ah isaga oo waliba noqday xiddiga ugu mushaharka badan.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here