WAR CAD: Maurizio Sarri Oo Sheegay Halka Wado Ee Uu N’Golo Kante Ugu Celin Karo Booskiisii Hore

Tababaraha Kooxda chelsea ee Maurizio Sarri ayaa shaaca ka qaaday halka wado ee uu xiddiga N’Golo Kante uga ciyaarsiin doono Booska Jorginho oo kooxda kula soo biiray xagaagii.

Maurizio Sarri ayaa sheegay in uu kaliya ka fiirsan doono in uu N’Golo Kante ka ciyaarsiin doono booska Jorginho hadii ay kooxdu difaacanaysa guul 1/0 ah oo ay tahay daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta.

Kante ayaa ka mid ah xiddigaha ugu fiican khadka dhexe ee daafaca wakhti xaadirkan isaga oo adduunka kaga yaabsaday 3-dii xilli ciyaareed ee uu kooxda joogay.

Laakiin waxa uu haatan ka ciyaaraa khadka dhexe ee weerarka tan ilaa markii uu sarri la wareegay kooxda.

Sarri ayaa booskii Kante haatan ka ciyaarsiiya xiddiga Jorginho go,aankaas oo ay dad badan su,aal keeneen tan ilaa markii uu sarri kooxda la wareegay.

Muranka ayaa sii batay markii ay chelsea guuldaro 4/0 ah kala kulantay kooxda Bournemouth kulan ka tirsnaaa horyaalka premier League.

Si kasta ha ahaatee markii la waydiiyay in uu ka fiirsanayo in uu kante ku soo celiyo booskiisa ayuu yidhi”Kaliya 20-ka daqiiqo ee ugu dambeeya hadii aan u baahanahay in aan difaacano gool aan ku hogaaminayno kulan”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here