WAR CAD: Kylian Mbappe Oo Real Madrid Farta Ka Saaray Go,aanka Uu Ka Gaadhay Xiisohooda

0

Xiddiga garabka weerarka uga ciyaara kooxda PSG ee Kylian Mbappe ayaa ka hadlay wararka la xiriirinayaa kooxda Real Madrid kadib guushii uu kooxdiisa ku hogaamiyay kulankii ay garaaceen koodiisii hore ee Monaco kulan ka tirsanaa horyaalka Ligue 1.

Kylian Mbappe ayaa dhaliyay saddexlay kulankii ay kooxda PSG 3/1 ku garaacday kooxda Monaco kuna guulaystay horyaalkii 8-aad ee taariikhdeeda kadib markii ay kooxda Lille bar-baraha gashay.

Kylian Mbappe ayaa si weyn loola xiriirinayay koxoaha PSG tan ilaa markii uu joogay kooxda Monaco ee uuna ku biirin kooxda PSG xilli ay Los Blancos doonaysay adeegiisa.

Xiddiga 20 jirka ah ayaa si weyn loola xiriirinayay Real Madrid kadib soo laabashadii Zidane ee xilli ciyaareedkan xilli uu tababarhaa reer France taageero weyn u yahay da,yarka.

Laakiin xiddiga reer France ayaa runta u sheegay Real Madrid albaabkana ka xidhay una sheegay in uu sii joogi doono kooxda PSG Xilli ciyaareedka dambe kadib guushii ay PSG ku guulaystay horyaalka France.

Kylian Mbappe oo la hadlaya wargayska AS ayaa yidhi” Waxa aan PSG ugu soo biiray mashruucooda dartiis, waxana aan sii joogi doonaa kooxda”.

“Waan ku faraxsnahay soo laabashada Zidane ee Real Madrid, waxan aan kulamadoo u daawan doonaa taageere ahaan”ayuu hadalkiisa ku soo xidhay”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here