WAR CAD: Denis Suarez Oo Banaanka Soo Dhigay Bartilmaameedkiisa Kadib Ku Biiristii Arsenal, Laba Arimood Ayaa Ka Go,an

Arsenal ayaa dhamaystirtay saxiixa Denis Suarez oo ay heshiis amaah ah kala soo wareegtay kooxda Barcelona iyada oo dookh u haysata in ay 20 milyan si toos ah ugula wareegto.

25 jirkan oo qalinka ku duugay hal sano ee heshiis cusub ah oo Barcelona ah ka hor inta uuna Iman England ayaa horay uga soo hoos ciyaaray tababaraha Arsenal ee Unai Emery isaga oo kula guulaystay Europe League sanadkii 2015.

Xiddiga ayaa kooxdiisa cusub ee Barcelona u xidhan doona Lambarka No.22 waxana laga yaabaa in uu kulankiisii ugu horeeyay ee premier League ka hor tago kooxdiisii hore ee Man City.

Kadib markii uu dhamaystiray heshiiskiisa Arsenal Suarez ayaa sheegay bartilmaameedka uu doonayo in uu ka caawiyo kooxdiisa cusub.

Xiddiga ayaa doonaya in uu Arsenal ku soo celiyo tartanka champions league xilli ciyaareedka dambe waliba kula guulaysto tartanka Europe League.

“Waxa aan halkan u imid in aan ciyaaro kulamada ugu suurtagalka badan kooxdana ka caawiyo in ay u soo baxdo champons League xilli ciyaareedka dambe.

“Waxa aan sidoo kale jecelahay in aan Arsenal kula guulaysto Europe League sababta oo ah markii ugu dambaysay ee aan ku guulaystay tartanka waxa aan la shaqaynayay Unai Emery”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here