Waqtiga La Dhegaysanayo Rafcaanka Ay Chelsea Ka Qaadatay Ganaaxa Suuqa Oo La Shaaciyay Iyo Rajada Kooxdeeda Blues Oo Ay Saamayn Ku Yeelan Karto.

Xidhiidhka kubbada cagta aduunka ee FIFA ayaa isniintii shalay si rasmi ah u shaaciyay in ay Chelsea ka heleen rafcaan ah ka qaadatay dacwadii ganaaxa labada xili suuq ahayd ee ay FIFA ku soo rogtay kadib markii lagu soo cadeeyay in ay jabiyeen sharciga da’yarta UK ka baxsan ee suuqa kala iibsiga caalamiga ah.

Chelsea ayaa heshay war qoraal rasmi ah oo loogu sharaxay sababaha dhabta ah ee ay ganaaxan ku mutaysteen, waxayna ugu danbayn Chelsea si rasmi ah u qaadatay rafcaan ay ku doonayso in ay kaga dagaalanto ganaaxa labada xili suuq ah ee lagu soo rogay.

Sida ay hadda u taagan tahay, Chelsea waxaa laga ganaaxay in ay wax saxiixyo ciyaartoy ah saamyn karto suuqa xagaaga ee July 1 furmi doona iyo waliba suuqa bisha January ee xili ciyaareedka soo socda, laakiin maamulka Chelsea ayaa doonaya in ay dacwada rafcaankooda ugu guulaystaan kiiskan.

Sida la xaqiijiyay dhegaysiga dacwada rafcaanka Chelsea ayaa lagu taariikheeyay April 11,2019, markaas oo ay Chelsea ogaan doonto rajada ay u haysato in ay ku guulaysan karto kiiskan ama ugu yaraan ay heli karto ganaax ka yar muddada labada xili suuq ah ee lagu xukumay.

Kadib baadhitaan waqti socday ayaa Chelsea loogu ganaaxay £460,000 kun oo gini iyo waliba in muddo laba xili suuq ah ayna wax ciyaartoy ah diwaan gashan karin laakiin waxaa maamulka Chelsea layaab ku noqotay in muddada rafcaankoodu socdo laga diiday in loo ogolaado in ay suuqa xagaaga sii gali karaan.

Chelsea ayaa ka cadhaysan in si xun loogula dhaqmay arintan maadaama oo kooxihii hore ee ganaaxan oo kale lagu riday loo ogolaaday in ay suuqa sii galeen muddadii la dhegaysanayay rafcaankii ay maxkamada xalinta khilaafaadka Sportska ee CAS u qaateen.

Chelsea ayaa maxkamada CAS ka dalban karta in loo ogolaado waqti ay suuqa ku sii gali karaan inta go’aan kama danbays ah laga gaadhayo ganaaxa la saaray laakiin sida uu qoray wargayska Daily Mail, maxkamada CAS ayaa cadaysay in Chelsea ayna wali ka soo dalbadan in waqti ku meel gaadh ah oo ay suuqa gali karaan la siiyo.

Qorshaha Chelsea ayaa u muuqda in ay marka hore doonayaan in ay waqti ku lumiyaan rafcaanka ay u qaateen FIFA si muddada ka hadhsan suuqa xagaaga ay marka hore ugu lumiyaan isjiid-jiidadka FIFA waxayna u muuqataa in kadib ay dacwadooda gayn doonan maxkamada CAS markaas oo ay suurtogal tahay in la ay heli karaan waqti ay suuqa xagaaga ku gali karaan.

Haddii ay FIFA diido rafcaanka ay Chelsea ka qaadatay go’aankii ganaaxa labada xili suuq ee la dhegaysan doono April 11, waxay markaas maamulka Chelsea si toos ah u tagi doonaan maxkamada CAS halkaas oo ah goobta ay ka heli karaan waxa ay hadda doonayaan oo ah in ay suuqa xagaaga si buuxda uga adeegan karaan.

Sanadkii 2014 kii  kooxda Barcelona ayaa isla dariiqan martay, waxayna ku guulaysatay in xagaagii 2014 kii la siiyay waqti ku meel gaadh ah oo ay suuqa ku sii galeen intii rafcaankooda ay CAS go’aan rasmi ah ka gaadhaysay markaas oo ay Barca samaysay dhamaan saxiixyadii ay suuqa uga baahnayd.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here