Waqtiga Ay Man United Si Rasmi Ah Ugu Dhawaaqayso Heshiiska Ole Gunnar Solskjaer Uu Ku Meel Gaadhka Kaga Baxayo Oo La Shaaciyay.

Maamulka kooxda Manchester United ayaa go’aan ku gaadhay in ayna suuqa ka raadsan tababare cusub isla markaana waxay hadda si buuxda u qaateen go’aanka ah in ay Ole Gunnar Solskjaer si rasmi ah ugu magacaabaan tababaraha kooxda kowaad kadib markii uu ka soo baxay imtixaankii horyaalay.

Qorshaha maamulka Man United ayaa markii hore ahaa in ayna heshiiska Ole Gunnar Solskjaer ku dhawaaqin inta xili ciyaareedkani dhamaanayo laakiin hadda go’aankaas way badaleen waxaana la ogaaday waqtiga ay sida rasmiga ah u shaacin doonaan in Ole Gunnar Solskjaer uu si toos ah ula wareegi doono booskii uu sida ku meel gaadhka ah uga badalay Jose Mourinho.

Sida uu shaaciyay wargayska Daily Mail, maamulka Man United ayaa waqtiga lagu jiro kulamada caalamiga ah ee dhamaadka bishan waxay u qorsheeyeen in ay Ole Gunnar Solskjaer si rasmi ah ugu doortaan kooxda kowaad kadib markii uu muujiyay in uu yahay shaqsiga ugu haboon ee shaqada Old Trafford lagu aamini karo.

Rajadii ay Man United ka qabtay in Zinedine Zidane uu kooxdeeda qabto ayaa gabi ahaanba burburtay kadib markii ay Real Madrid xalay ku dhawaaqday in uu ku soo laabtay Bernabeu isla markaana uu badalay Santiago Solari oo shaqada laga caydhiyay.

Maamulka Man United ayaa sidoo kale maanka ku haya in helitaanka tababaraha Tottenham ee Pochettino ay tahay mid aad u adag taas oo Ole Gunnar Solskjaer siinaysa fursada uu ku noqday macalinka ugu haboon ee Man United maamuli kara.

Halyayga Man United ahna khabiirka Sky Sports ee Gary Neville oo xog badan ka haya Man United ayaa soo bandhigay sida waqtiga kulamada caalamiga ah lagu jiro ay maamulka United ugu Solskjaer ugu magacaabi doonaan shaqada United.

Gary Neville ayaa yidhi: “Aniga layaab ayay igu noqon doontaa haddii aan Solskjaer lagu abaal marin shaqada inta lagu jiro fasaxa caalamiga ah ee labada todobaad ee soo socda. Ma rumaysan karo waxa uu qabtay, markii ugu horaysay ee uu soo laabtay waxaan ka fikirayay in ay ahayd sidii dib loogu soo xidhi lahaa kooxda, taageerayaasha iyo ciyaartoyda si uu farxad ugu sii hayo”.

Laakiin waxaa hadda la filayaa in dhawrka usbuuc ee bishan March ka hadhsan gudahooda ay maamulka Man United ku dhawaaqi doonaan in Solskjaer uu yahay macalinka rasmiga ah ee kooxdoodu yeelan doonto.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa amaan wayn ku yelay qaabkii cajiibka ahaa ee uu ku badalay xaaladii Man United ee uu Mourinho kaga baxay December 19, waxaana shaqadiisa u xaqiijiyay guushii PSG ee ay Man United ugu soo baxday siddeed dhamaadka UEFA Champions league.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here