“Waligay Ma Arin Taageerayaal Koox Kale Oo Sidaas Iigu Sacabiya”: Lionel Messi Ii La Dhacay Wixii Ay Taageerayaasha Betis U Sameeyeen.

Xiddiga Kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa soo bandhigay habeen kale oo sixir ah kulankii ay Barcelona garaacday kooxda Real Betis kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga.

Kabtanka ayaa dhaliyay saddexley isaga oo kooxdiisa ku hogaamiyay guul ay ku hubiyeen in ay ku guulaysteen horyaalka La Liga.

Qaab ciyaareedkiisa ayaa keenay in ay taageerayaasha Kooxda Real Betis u istaagaan Leo waliba u sacabiyaan kuna dhawaaqaan magaciisa.

Arintaa ayaa si weyn u qancisay Leo isaga oo si cajiib ah uga fal celiyay arinta ay taageerayaasha kooxda Real Betis u sameeyeen.

“Aad ayaan ugu mahad celinayaan”ayuu Messi yidhi.

“Waligay horay iiguma dhicin in ay taageerayaasha kooxda kale sidaas oo kale iigu sacabiyaan”.

“Waxa ay mar walba iila dhaqmaan si cajiib ah inkasta oo aan 3 dhibcood kula xafiiltano”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here