Walaasha Griezmann Oo Sheegtay Kooxda Uu Xiddigu Xiriirka La Leeyahay.

Musstaqbalka Antoine Griezmann ayaa mar kale noqday hadal haynta saxaafada adduunka.

Antoine Griezmann ayaa qalinka ku duugay heshiis cusub xagaagii hore isaga oo kooxda Atletico u saxiixay ilaa xagaaga 2023 kadib markii ay kooxdu ku guulaystay Europa League.

Heshiiska ayaa lagu xidhay lacag dhan 170 Milyan oo lagu bur-burin karo laakiin haatan waxa uu hoos ugu dhacay 103 milyan sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Spain.

Haatan waxa soo baxaya wararka sheegaya in xiddiga koobka adduunka ku guulaystay uu doonayo in uu isaga tago kooxda Atletico Madrid kadib ka hadhistii champions League.

Kooxaha Manchester United, Paris Saint-Germain & Barcelona ayaa lala xiriirinayaa kuwaas oo doonaya adegiisa marka la gaadho xagaaga.

Si kasta ha ahaatee Barcelona ayaa doonayn saxiixa xiddiga maadaa ay suuqa ugu jiraan weeraryahan toos ah iyada oo lala xiriiranyo Luka Jovic.

Laakiin walaashada la dhalatay xiddiga reer France ayaa ka hadashay wararka sida weyn uga hadlaya mustaqbalka xiddiga reer France.

“Waa Sax, Antoine wuu niyad jabsan yahay in ay ka hadheen champions League, waa sababta uu u joogay in Atletico Madrid in uu kula guulaysto champions League”ayay u sheegtay L’Equipe.

“Laakiin waxa uu la mid yahay saaxiibadiisa ay isku kooxda yihiin, Tababarahayaasha, madaxda kooxda iyo waliba taageerayaasha”.

“Waxa uu Akhirnayaa waxa ay saxaafadu ka qorayaan mustaqbalkiisa wax walbana way iska qori karaan”.

“Dadka maamulaya waxa u fiican walaalkay ayaa ah aniga, aabahay, iyo wakiilkeena”.

“Hadii ay jirto koox aan xiriir la leenahay kaliya waa Atletico Madrid ma jirto koox kale”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here