Walaalka Paul Pogba Oo Kashifay 2 Kooxood Oo Uu Pogba Ku Biiri Karo Hadii Uu United Ka Tago & Kooxda Uu Aadka U Taageero.

0

Walaalka La Dhashay Paul Pogba ayaa shaaca ka qaaday laba kooxood oo kaliya oo uu Walaalkiis ugaga tagi karo kooxda Man United.

Florentin Pogba ayaa nooleeyay rajadii ay kooxaha Barcelona iyo Real Madrid ka qabeen saxiixa xiddiga reer France ee Paul Pogba.

“Waxa aad tagi kartaa 3 kooxood Ka fiican Man United waana Man City, Real Madrid iyo Barceona, sidaas darteed ma tagi doono City taas oo Albaabka u furaysa kooxaha Real Madrid iyo Barcelona”ayuu Florentin Yidhi.

“Go,aanku isaga ayuu hor yaalaa, waxa uu mar walba ahaa taageere Barcelona ah, wuu jecalh yahay ciyaarta Tiki-Taka, wuu daawadaa kulamada gaar ahaan aniga”.

Paul Pogba ayaa labada kooxoodba ku dhawaaday in uu ku biiro iyada oo Barcelona lala xiriirinayay xagaagii sidoo kale Real Madrid lala xiriirinayay ka hor intii uuna United ku soo biirin.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here