Walaalka La Dhashay Eden Hazard Ee Thoragan Hazard Oo Fure U Ah In Uu Eden Hazard Ku Biiro Real Madrid Suuqa January

0

Kooxda Real Madrid ayaa ku riyoonaysa in ay hesho saxiixa xiddiga Kooxda Chelsea ee Eden Hazard iyaga oo doonaya in ay helaan adeegiisa suuqa January.

Wargayska RMC ayaa shaaca ka qaaday qaabka uu Eden Hazard ugu biiri karo kooxda Real Madrid marka la gaadho suuqa January ee bilowga sanadka cusub.

Wargayska ayaa sheegaya in ay jirto hal xaalad oo Real Madrid ka caawin karta in ay helaan Eden Hazard marka la gaadho suuqa January.

Xaaladaas ayaa ah mid uu ka caawin karo walaalka La dhashay Eden Hazard ee Thorgan Hazard kaas oo fure u noqon kara in uu Eden Hazard ku biiro kooxda Real Madrid.

Chelsea ayaa doonaysa saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Borussia Dortmund ee Christain Pulisic kaas oo ay u doonayaan badalka xiddiga reer Belguim ee Eden Hazard.

Borussia ayaa dhankeeda diyaar u ah in ay Chelsea ka iibiso Pulisci laakiin ku xidhay in ay helaan saxiixa xiddiga ay walaalka yihiin ee Thorgan Hazard si ay badal uga dhigaan Pulisic.

Hadaba Thorgan Hazard oo ku biira kooxda Borussia Dortmund ayaa ka xigta in ay Real Madrid hesho saxiixa xiddiga Eden Hazard suuqa January.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here