Wal-Walka PSG & Faa,iidada Man United: Daawo Neymar Oo Dhaawac Xun Uga Baxay Garoonka & Oohin Uu Is Qaban Kari Waayay.

Kooxda Paris Saint-Germain Ayuu wal-wal hor soo food saaray kadib markii uu dhaawac soo gaadhay xiddiga ugu muhiimsan kooxdooda ee Neymar.

Kadib Markii saaray ciyaartii ay kooxda PSG la ciyaaraysay kooxda Strasbourg Neymar ayaa si toos ah u aaday qolka Labiska isaga oo oohin qubaya.

Xiddiga reer Brazil ayaa ciyaarta laga saaray daqiiqadii 62-aad isaga oo u muuqda mid ka dhaawacmay kuraanta waxana lagu balay xiddiga Moussa Diaby.

Dhaawacan ayaa kooxda PSG soo gaadhay todobaadyo ka hor kulanka ay kooxda PSG la ciyaari doonto kooxda Man United wareega 16-ka champions League.

Inkasta oo aan haatan la ogayn inta uu leegyaha dhaawaca soo gaadhay Neymar hadana waxa ay faa,iido weyn u tahay Man United.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here