Wakiilka Mats Hummels Oo Ka Hadlay Xaqiiqada Wararka Chelsea La Xiriirinaya Xiddiga

0

Wakiilka xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Bayern Munich ee Mats Hummels ayaa ka hadlay xaqiiqada wararka sheegaya in uu wadahadalo kula jiro kooxda chelsea si uu xiddigu ugu biiro Blues marka la gaadho Suuqa January.

Wakiilka Mats Hummels ayaa si xoogan u beeniyay wararka sheegaya in uu wadahadalo ku aadan xiddiga uu wakiilka u yahay kula jiro kooxda chelsea isaga oo wararkaas ku tilmaamay kuwo been abuur ah.

Daafaca reer Germnay ayaa ka baxay dookha kooxda Bayern Munich xilli ciyaareedkan xilli ay Chelsea doonayso in ay Stamford Bridge keento xiddigii hore ee Borussia Dortmund.

“Warkan waa mid been ah, waxa aan si cad u beenin karaa”ayuu u sheegay Sport1.

Madaxa kooxda Bayern Munich ayaa sidoo kale dhankiisa gabi ahaan meesha ka saaray in uu daafaca khabiirka ah ka tagi doono kooxda marka la gaadho suuqa Janayry.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here