Wakhtiga Uu Gonzalo Higuain Ugu Dambayn Iman Doono London Oo La Ogaaday

Chelsea ayaa si aad ah ugu sii dhawaanaysa saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Ac Milan ee Gonzalo Higuain sida ay sheegayaan wararku.

Gonzalo Higuain ayaa lagu soo waramayaa in ay uu maalinta salaasada Iman doono London si uu u dhamaystiro heshiiska uu ugu biirayo Blues.

Xiddiga reer Argentine ayaa heshiis amaah ah ugu soo biiri doona chelsea ka hor inta uuna si toos ah ugu biirin xagaaga hadii uu buuxiyo qodobo ku xidhan heshiiska.

Gonzalo Higuain Ayaa laga reebay Liiska xiddigaha Ac Milan ee maanta oo Isniin ah la ciyaari doona kooxda Genoa kulan ka tirsan horyaalka Serie A-da.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Gonzalo Higuain haatanba sii macasalaameeyay xiddigaha ay isku kooxda yihiin ee Ac Milan.

Waxa la fahamsan yahay in uu Gonzalo Higuain Maalinta Bari ah iman doono London si uu tijaabada caafimaadka ugu amro isla wakhti dambe oo bari ah lagu dhawaaqi doono heshiiskiisa.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here