Wakhtiga Lagu Dhawaaqi Doono Heshiiska Uu Denis Suarez Ugu Biirayo Arsenal Oo La Ogaaday

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhawaaqi doonto heshiiska Denis Suarez saacadaha yar ee soo socda kadib markii ay horumar lama filaan ah ka samaysay wadahadaladii ay kula jirtay kooxda Barcelona.

Wargaysyada reer Spain ee Esports COPE & Mundo Deportivo ayaa sheegaya in uu Denis Suarez ogolaaday in uu Barcelona u saxiixo heshiis ilaa 2020 ah.

Xiddiga khadka dhexe ayaa kooxda Arsenal kadib ugu biiri doona heshiis ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan ah iyaga oo kadib dookh u haysta in ay si toos ah ula wareegaan.

Wararka ayaa sheegaya in laga yaabo in isla maanta la dhamaystiro heshiiska.

Go,aanka Barcelona ayuuna ku jirin in ayna Arsenal ku qasbanayn in ay si toos ah ula wareegto xiddiga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Xiddiga ayaa la filayaa in uu u soo duulo Magaalada London 48 Saacadood ee soo socota si uu u dhamaystiro heshiiskiisa uu ugu biirayo Arsenal.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here