Wakhtiga Laga Yaabo In Ay Chelsea Shaqada Ka Caydhinayso Maurizio Sarri & Badalkiisa Oo La Ogaaday

Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay shaqada ka caydhinayso tababaraha Maurizio Sarri inta lagu jiro fasaxa xulalka sida ay sheegayaan wararku.

Tababaraha reer Italy ee 60 jirka ah ayuu cadaadis weyn saaran yahay kadib natiijooyin xun oo ay kooxdu heshay iyo waliba murankii Kepa Arrizabalaga ee finalkii Carabao cup-ka.

Laakiin inkasta oo uu u muuqday mid dhanka kale u rogay natiijada Blues ayaa guuldaro kala kulantay shalay kooxda Everton.

Sarri ayaa si cad u sheegay in ayna xiddigaha kooxdu ku dhiiri gashanayn guulo xilli ciyaareedkan.

Sida laga soo xigtay Express chelsea ayaa laga yaabaa in ay shaqada ka caydhiso tababaraha inta lagu jiro fasaxa xulalka.

Chelsea ayaan ciyaari doonin tan ilaa 31 bishan taas oo la macno ah in ay Chelsea 2 todobaad u haysato badalkiisa ka hor kulanka xiga.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ay chelsea shaqada kooxda si ku meel gaadh ah ugu dhiibi doonto tababare ku xigeenka xulka qaranka England ee Steve Holland.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here