Wakhtiga La Qaban Doono Isku Aadka Semi-finalka Copa Del Rey-ga & Real Madrid Vs Barcelona Oo La Arki Karo.

Waxa si Rasmi ah loo soo afjaray wareega 8 Dhamaadka tartanka Copa Del Rey-ga iyada oo ay wareega Semi-finalka u soo bexeen kooxo xoogan.

Kooxda Real Madrd oo xalay garaacday kooxda Girona ayaa dhamaystirtay 4-ta kooxood ee isugu soo baxay Semi-finalka tartanka.

Kooxaha Real Madrid, Barcelona, Valencia iyo Rea Betis ayaa ah 4-ta kooxood ee ku dagaalami doona sidii ay u gaadhi lahaayeen finalka tartanka.

Isku aadka wareega Semi-finalka Copa Del Rey-ga ayaa la qaban doonaa 3:30 Galabnimo ee wakhtiga Geeska Africa iyada oo la filayo kulamo dab iyo naar ah.

Kulanka sida weyn loo filayo in uu dhici karo ayaa ah kulan El Clasico ah iyada oo kooxaha Real Madrid iyo Barcelona isaga hor iman karaan Semi-finalka tartanka.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here