Wakhtiga Cusub Ee La Ciyaari Doono Kulanka Manchester Derby Ee Premier League Oo La Shaaciyay

Waxa la shaaciyay wakhtiga cusub ee ay kooxaha Man United iyo Man City wada ciyaari doonaan kulanka Manchester Derby ee horyaalka premier League.

Kulanka muhiimka ah ee Manchester Derby ee dhex mari doona United iyo City ayay u badan tahay in la ciyaari doono bilowga bisha April hadii ay labada kooxoodba u gudbaan wareega xiga ee FA Cup-ka todobaadka dambe.

Kooxda Pep Guardiola ayaa loo balansanaa in ay kooxda Ole Gunner Solskjaer kula ciyaarto Old Trafford duhurnimada sabtida 16 bisha March.

Laakiin wakhtigaas waxa la ciyaari quarter-final-ka FA Cup-ka iyada oo Man City la ciyaari doonto Newport Sabtida halka United la ciyaari doonto Chelsea 48 saac kadib.

Sidaas darteed kulanka Manchester Derby ee FA Cup-ka ayaa la ciyaari doonaa Salaasada 2 bisha April ama Arbacada 3 bisha April maalmo yar kadib Semi-finalka FA Cup-ka.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here