Wakhtiga Ay Real Madrid Ku Dhawaaqi Doonto Saxiixa Exequiel Palacios Oo La Ogaaday & Waliba Faah-Faahinta Heshiska

0

Kooxda Real Madrid ayaa ku dhaw in ay ku dhawaaqdo saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda River Plate ee Exequiel Palacios marka la gaadho suuqa January kadib markii la xaqiijiyay wakhtiga ay kooxdu sida Rasmiga ah ugu dhawaaqi doonto adeega xiddiga.

Wargayska Mundo Deportuvo ayaa sheegaya in ay Real Madrid ku dhawaaqi doonto saxiixa xiddiga Exequiel Palacios 7 ama 8 bisha January ee bisha dambe.

Real Madrid ayaa kooxda River Plate wadahadalo la bilowday bilo ka hor laakiin ku dhawaaqista heshiiska ayaa dib u dhacay kadib ka qayb galkii kooxda River Plate ee tartanka Club World cup-ka.

Wargayska ayaa intaas ku daraya in ay Real Madrid xiddiga ka bixisay lacag dhan 17 milyan oo euro iyada oo ka saxiixan doonta heshiis dhan ilaa 2025.

Si kasta ha ahaatee wargayska ayaan shaacin wakhtiga uu Exequiel Palacios ku soo biiri doono kooxda Real Madrid xilli ay kooxda River Plate doonayso in ay xiddiga sii haysato ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Exequiel Palacios ayaa ah badalka Mustaqbalka fog ee xiddiga Luka Modric maadama ay isku boos ka ciyaaraan labada xiddig.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here