Waxaa laga yaabaa in aysan dad badan u dooran tartanka, lakin markii Spain ay 7-0 ku xasuuqday Costa Rica kulankoodii furitaanka ee Koobka Adduunka sheekda ayaa dhan kale isku rogtay.

Spain waxay soo bandhigtay ciyaar feecan kulankii Los Ticos, iyagoo dhaliyay darbo kasta oo bartilmaameed ah.

Fabrizio Romano wuxuu iftiimiyay La Roja ay ugu horeeso xulalka ugu cad cad koobkan.

“Spain had iyo jeer waxay ii ahayd dookha gaarka ah. Waan jeclahay Luis Enrique maamule ahaan – fikradihiisa, iyo kooxda iyo kartida uu isku daray.

Waxaa laga yaabaa in aysan ahayn kooxda ugu xoogga badan, marka loo eego France iyo Brazil, laakiin waxaa jira tamar aad u wanaagsan. Runtii waan qiimeeyay waxaanan filayaa inay meel fog aadi karaan.”

La Roja ayaa wajihi doonta tartan adag habeenka axada marka ay la ciyaaraan Germany, taasoo noqon doonta mid si sax ah loo cabiro tayadooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here