“Waan Garaaci Karnaa Koox Walba”:- Raheem Steling Oo Fariin Caga Jugalayn Ah U Diray Liverpool Ka Hor Kulankooda Khamiista

0

Xiddiga garabka weerarka uga ciyaara kooxda Man City ee Raheem Sterling ayaa digniin adag u diray kooxdiisii hore ee Liverpool ka hor kulanka ay la ciyaari doonaan kooxdiisa haatan ee Man City maalinta Khamiista.

Raheem Sterling ayaa sheegay in ay Man City ka badin karto Liverpool kulanka adag ee ay Khamiista ku wada ciyaari doonaan Etihad.

Sterling ayaa ka hadlay ka hor tagista kooxda Liverpool oo 7 dhibcood oo cadaan ah ka horaysa kooxda kaalinta 2-aad ee Man City.

Xiddiga reer England ayaa sheegaysa in ay kooxda Man City noqon karto qaar cajiib ah isaga oo waliba sheegay in ay kooxda difaacanaysa horyaalku garaaci karto koox kasta oo premier League ah.

“Hadii aan u ciyaarno qaabka aanu garanayno, waanu garaaci karnaa koox walba”ayuu Sterling yidhi “Waxa uu noqon doonaa kulan adag waanan sugi laanahay”.

Tababaraha Man City ee Pep Guardiola ayaa dhankiisa qirtay in ay kooxdiisa qasab ku tahay in ay badiyaan maadama ay 10 dhibcood ka dambayn doonaan hadii laga badiyo.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here