Waa Sidee Xaalada Dhaawicii Cristiano Ronaldo Ku Soo Gaadhay Xulkiisa Portugal? Maamulka Juventus Oo Ka Warbixiyay.

Kabtanka xulka qaranka Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa dagaal ugu jira in uu ka soo kabsado dhaawicii ku soo gaadhay waajibaadkii xulkiisa ee kulamadii isreeb reebka Euro 2020. Kooxda Juventus ayaa ilaa hadda ka walwalsan xaalada Ronaldo iyada oo xataa ay suurtogal noqotay in ay aaminaan in uu seegi karo kulanka lugta hore ee UEFA Champions league.

Gudoomiyaha kooxda Juventus ee Andrea Agnelli ayaa ka war bixiyay xaaladii ugu danbaysay ee dhaawaca Cristiano Ronaldo wuxuuna cadeeyay in uu fiican yahay isla markaana ay inta xili ciyaareedkan ka hadhay ilaalin doonaan.

Juventus ayaa u baahan in ay guulaysato 6 kulan oo ka mid ah 10 ka kulan ee baaqiga uga ah Serie A si ay koobka horyaalka Talyaaniga ugu guulaysan karaan laakiin muhiimada kowaad ee Old Lady ayaa ah in ay ku guulaystaan koobka tartanka kooxaha Yurub ee UEFA Champions league.

Gudoomiyaha kooxda Juventus ee Andrea Agnelli oo wax laga waydiiyay xaalada Cristiano Ronaldo ee kadib dhaawicii soo gaadhay ayaa yidhi:”Ronaldo wuu fiican yahay. Miyuu soo laaban doonaa Ajax? Marka aad dhaawac yar oo muruqa ah qabto, waxaa waajib kugu ah in aad taxadarto”.

Laakiin gudoomaha kooxda Juventus ee Andrea Agnelli ayaa cadeeyay in ay ilaalin doonaan Cristiano Ronaldo muddada xili ciyaareedkan ka hadhay wuxuuna yidhi: “Anagu waanu ilaalin doonaa isaga inta xili ciyaareedkan ka hadhsan”.

Tababaraha kooxda Juventus ee Maxi Allegri ayaa cadeeyay in haddii uu Cristiano Ronaldo taam u noqon waayo kulanka lugta kowaad ee Ajax ee tartanka Champions league in aanu wax halis ah galin doonin isla markaana aanu ciyaari doonin balse Ronaldo ayaa hore u sheegay in aanu wax walwal ah ka qabin in uu soo laabanayo kulamada Ajax.

Cristiano Ronaldo ayaa ahaa xidigii saddexleyda goolasha ahaa kooxdiisa Juventus ku soo dhaafiyay imtixaankii kooxda Atletico Madrid isaga oo dhinaca kale u dhigay guuldaradii 2-0 ka ahayd ee kulankii lugtii hore waxayna Juventus hadda rajaynaysaa in Ronaldo uu taam u noqdo kulanka Ajax.

Si kastaba ha haaatee, Cristiano Ronaldo ayaa waqtiga la baratamaya si uu taam ugu noqon karo kulanka lugta hore ee siddeed dhamaadka UEFA Champions league kaas oo ay Juventus la ciyaari doonto kooxda Ajax oo xili ciyaareedkan wacdaro soo dhigtay isla markaana tartankan ka reebtay kooxdii difaacanaysay ee Real Madrid.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here