Waa Sidee Tartanka Gool Dhalinta Premier League Marka Laga Reebo Rikoodhayaasha?

0

Tartanka loogu jiro gool dhalinta horyaalka premier League ayaa ah mid aad u adag xilli ciyaareedkan iyada oo ay xiddigo badan isku baacsanayaan tartanka gool dhalinta.

Xiddiga Kooxda Man City Sergio Aguero ayaa ah xiddiga hogaaminaya gool dhalinta tartanka premier League isaga oo dhaliyay 18 gool.

Laakiin xiddigaha Aubameyang, Salah, Kane iyo Mane ayaa dhamaantood isku goolal ah kuwaas oo dhamaantood wada leh 17 gool.

Hadaba Ka waran hadii laga reebo xiddigaha rikoodhayaasha loona tiriyo goolasha ay sida caadiga ah u dhaliyeen premier League.

Xiddiga kooxda Liverpool ee Sadio Mane ayaa ah xiddiga hogaaminaya dhankaas maadama uuna isagu wax rikoodhe ah gool ka dhalin.

Sadio Mane ayaa dhaliyay 17 gool oo caadi ah maadama uuna wax rikoodhe ah u laagan kooxdiisa Liverpool ilaa haatan premier League.

Xiddiga Man City oo dhaliyay 18 gool ayaa kaliya dhaliyay 16 gool marka laga jaro goolasha uu ku dhaliyay rikoodhayaasha.

Xiddiga kale ee Man City ee Raheem Sterling ayaa isagu ku jira kaalinta 3-aad maadama uu dhaliyay 15 gool oo nadiif ah oo uuna rikoodhe ku jirin.

Xiddigaha Aubameyang iyo Mohamed salah oo dhaliyay 17 gool ayaa kaliya 14 gool u dhaliyay si caadi ah oo rikoodhe la,aan ah.

Xiddiga kooxda Tottenham ee Harry Kane ayaa isagu si caadi ah u dhaliyay kaliya 13 gool marka laga jaro goolasha uu ka dhaliyay rikoodhayaasha.

Sadio Mane: 17 gool

Sergio Aguero: 16 gool

Raheem Sterling: 15 gool

Pierre-Emerick Aubameyang: 14 gool

Mohamed Salah: 14 gool

Harry Kane: 13 gool.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here