Waa Sidee Kala Saraynta Horyaalka La Liga Kadib Todobaadkii 23-aad?

0

Kala Saraynta horyaalka La Liga ayaa is badashay todobaadkan kadib todobaadkii 23-aad ee la ciyaaray horyaalka La Liga.

Inkasta oo ay kooxda Barcelona sii haysato hogaanka horyaalka hadana waxa ay iska khasaarisay fursad ay hal gacan ugu qaban lahayd horyaalka kadib bar-barihii ay la gashay Atletic Bilbao.

Real Madid ayaa markii ugu horaysay xilli ciyaareedkan kaalinta 2-aad ka gashay tartanka kadib markii ay garaacday kooxda Atletico Madrid.

Los Blacos ayaa haatan dib u heshay fursad dahabi ah oo ay horyaalka ugu tartami karo kadib markii ay dhamaadkii qaybtii hore ee xilli ciyaareedka u muuqatay kuwo ka samray horyaalka.

Barcelona ayaa haatan kaliya 5 dhibcood ka saraysa kooxda kaalinta 2-aad ee Real Madrid xilli uu labadooda isugu hadhay kulan El Clasico ah.

Kaalmaha loogu soo boxo champions League ayay ku jiraan kooxaha Atletico Madrid iyo Sevilla kuwaas oo u muuqda qaar ku dhamaysan doona booskaas xilli ciyaareedkan.

Halkan Hoose kaga bogo sida loogu kala sareeyo horyaalka La Liga:

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here