Waa Sida Rajada Henrikh Mkhitaryan Iyo Ainsley Maitland-Niles Ee Kulanka Axadda Ee Man City

0

Kooxda Arsenal ayaa war ka soo saartay xaaladda caafdimaad ee laba ka mid ah xiddigaha kooxdaas ka hor kulanka Man City ee Horyaalka Ingiriiska .

Man City ayaa axadda marti gilineysa kooxda Arsenal waxa uuna kulankaas ka tirsan yahay wareegga 25-aad ee horyaalka Ingiriiska .

Arsenal ayaa sheegtay in garabka kooxdaas ee Henrikh Mkhitaryan uu ku soo laabtay tababarka kooxda ka dib dhaawac horay uga gaaray cagta hoose ee lugta waxaana haatan la qiimeynaa xaaladdiisa ee ku aadan in kulankaas uu safan karo .

Sidoo kale waxa ay kooxda sheegtay in qadkooda dhexe ee Ainsley Maitland-Niles kaasi oo ka sheeganayay dhaawac jlibka ah isna la qiimeynayo xaaladdiisa ka hor kulankaas .

Waxaa tababarkii maanta ee Arsenal isna ku soo laabtay Laurent Koscielny balse waxaa ka maqnaa Sokratis Papastathopoulos waxaana la filaaya in tababarka uu ku soo laabto dhamaadka bishaan

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here