Waa Maxay Sababta Uuna Jurgen Klopp Ugu Farxin Markii Uu Salah Rikoodhada 2-aad U Daayay Roberto Firmino?

0

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa qirtay in uuna doonayn in uu Mohamed salah rikoodhaha u daayo Roberto Firmino kulankii ay Liverpool garaacday Arsenal.

Reds ayaa sii wadata rikoodhkeeda cajiibka ah ee xilli ciyaareedkan kadib markii ay 5/1 ku garaaceen kooxda Arsenal kulan ka dhacay Anfield.

Firmino ayaa ahaa xiddiga garoonka kadib markii uu dhaliyay saddexley isaga oo goolkiisa 3-aad dhaliyay qaybtii dambe ee ciyaarta.

Salah oo ah xiddiga 1-aad ee rikoodhaha laaga ayaa qaybtii hore ee ciyaarta dhaliyay rikoodhe laakiin waxa uu midii 2-aad u daayay saaxiibkiis.

Klopp ayaa ku farxay talaabada uu Mohamed salah qaaday laakiin waxa uu qirtay in uuna doonayn in uu Roberto laagto rikoodhada.

“Markii aan arkay in uu Salah u daayay Roberto Rikoodhada kumaan farxin sababta oo ah marka tababarka lagu jiro Firmino ayaa inta badan khasaariya rikoodhayaasha”ayuu Klopp yidhi.

“Sida iska cad maanta waxa ahay ahayd maalintiisii waana iska caadi”ayuu hadalkiisa ku soo xidhay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here