Waa Maxay Sababta Uu Neymar U Joogo Barcelona Xilli Uu Ka Soo Kabsanayo Dhaawacii Soo Gaadhay?.

0

Marka Loo eego wararka xoogan ee xanta ah, Neymar iyo PSG ayaa dooran karay meel kale oo uu xiddiga reer Brazil ku qaato ka soo kabsashada dhaawaca soo gaadhay.

Xiddiga reer Brazil oo dhaawacan ayaa seegi doona kulamo muhiim ah oo kooxda reer France ciyaari doonto kadib markii uu dhaawac jab ah ka soo gaadhay lugta midig bishii hore.

Si kasta ha ahaatee maqnaanshihiisa ayayna dareemin saaxiibadiisa PSG iyaga oo 2/0 ku garaacay Man United hal lugna lasii galay wareega xiga ee tartanka champions League.

Laakiin PSG ayaa qaban doonta shaqada ugu adag si uu xiddigu diyaar ugu ahaado wareega 8 dhamaadka tartanka champions League.

27 jirkan ayaa go,aansaday in uu magaalada Barcelona ku qaato daawayntiisa sida laga soo xigtay wargayska Mundo Deportivo.

Neymar ayaa Ka tagay Barcelona xagaagii 2017 isaga oo lacag dhan 222 milyan oo euro ugu biiray kooxda PSG.

Laakiin tan ilaa wakhtigaas waxa maalin walba soo baxaya warar xan ah oo ku saabsan in uu doonayo in uu u laabto Barcelona.

Xitaa xiddiga ayaa haatan Isticmaalaya mid ka mid ah Dhakhtarada kooxda Barcelona si uu dhaawaca uga soo laabto wakhti ka horeeya wakhtiga loo qabtay oo ah ilaa bisha April.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here