Waa Maxay Sababta Uu Lioenl Messi Xalay U Dhaliyay Goolkiisii 399-aad Laakiin Uuna U Dhalin Goolkiisii 400-aad?

0

Lionel Messi ayaa gaadhi doona rikoodhka cajiibka ah ee 400 ee gool horyaalka La Liga laakiin xiddiga ayaan wali rikoodhkaas gaadhin kulankii Eibar sida laga soo xigtay wargayska MARCA.

Sababta ayaa ah in mid ka mid ah goolashiisa waliba loo qoray isaga markii hore yahay gool uu iska dhaliyay xiddiga Fernando Amorebieta.

Kulankaas ayaa ahaa kulankii ay Barcelona 5/1 uga badisay kooxda Atletic Bilbao kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga todobaadkiisii 14-aad xilli ciyaareedkii 2012/2013 markaas oo uu Messi isku dayay in uu gool dhaliyo laakiin uu xiddiga Fernando Amorebieta si khalad ah isaga dhaliyay goolkaas.

Inkasta oo uu garsoore Antonio Miguel Mateu Lahoz u qiray goolka Lionel Messi kulankaas MARCA ayaa u diwaan galisay gool La iska dhaliyay.

Taas ayaa la macno ah in uu Leo Messi wali sugi doono goolkiisii 400-aad ee horyaalka La Liga kaas oo aan wakhti dheer maqnaan doonin.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here