Waa Maxay Sababta Uu Ander Herrera U Diiday Heshiiska Cusub Ee Man United Inkasta Oo Ay Kooxdu Miiska U Saartay 200 Kun Oo Gini?

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Man United ee Ander Herrera ayaa ku dhaw in uu si xor ah uga tago kooxda Man United dhamaadka xilli ciyaareedkan markii uu diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda.

Kooxda Man United ayaa xiddiga miiska u saartay dalabkii ugu dambeeyay oo dhan 200 kun oo Gini todobaadkii oo uu mushahar ugu qaadanayo Si ay kooxda ugu sii hayaan laakiin Ander Herrera ayaa doonaya lacag intaas ka badan.

29 jirka ayaa ku dhaw in uu ku biiro kooxda PSG dhamaadka xilli ciyaareedkan iyada oo ay jiraan warar sheegaya in uu haatanba heshiis la gaadhay kooxda reer France.

Man United ayaa wadahadalo heshiis kordhin ah la furtay wakiilada Herrera 18 bilood ka hor laakiin wax horumar ah lagama samayn wadahadalada wakiilka xiddiga reer Spain ayaana dareensan in ay kooxdu xiddigaha kale ka horaysiisay wakhtigaas.

Tababaraha kooxda ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa qirtay in maqnaanshaha xiddiga ee shaxda kooxda ay sabab u tahay xaaladiisa heshiisa cusub waxana haatan kaliya 6 todobaad oo kaliya uga hadheen heshiiskiisa kooxda.

Wargayska Fobres ayaa sheegaya in ay kooxda Man United xiddiga u soo bandhigtay mushahar uu todobaadkii ku qaadan doono lacag dhan 200 kun oo Gin si ay kooxda ugu sii hayaan.

Laakiin xiddiga ayaa diiday kaas oo doonaya lacag intaas ka badan xilli uu haatan kooxda ka qaato lacag dhan 100 kun oo Gini iyo waliba lacago kale oo gunooyin ah.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here