Waa Maxay Sababta Heshiiska Eden Hazard Ugu Biirayo Real Madrid Loogu Dhawaaqi Laayahay?

0

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Chelsea ee Eden Hazard ayaa ku dhaw in uu ku biiro kooxda Real Madrid laakiin Heshiiska ayaan wali lagu dhawaaqin ama la dhamaystirin inkasta oo maalmo ka la sheegay in heshiiska lagu dhawaaqi doono ka hor dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Kooxaha chelsea iyo Real Madrid ayaa wali wada fadhiya miiska wada xaajoodka iyaga oo ilaa haatan isku af garan la, qiimaha kama dambaysta ah ee laga bixinayo xiddiga.

Inkasta oo ay chelsea diyaar u tahay in ay iibiso Hazard suuqa xagaaga hadana Blues ayaa ku adkaysanaysa in ay hesho lacag dhan 100 milyan oo euro oo aanu hal milyan ka dhimanayn sida laga soo xigtay wargayska Sport.

Kooxda Real Madrid ayaa la filayaa in ay dib u yara dhigto dhamaystirka heshiiska xiddiga reer Belguim ilaa inta laga gaadhayso suuqa xagaaga ee dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Laakiin Chelsea ayaa u sheegtay Real Madrid in ay la kulanto qiimaha ay doonayso in ay ku iibiso xiddiga inkasta oo ay Real Madrid miiska saartay 85 milyan oo euro si ay u hesho 28 jirkan.

Inkasta oo ay kaliya 15 milyan u dhexeeyaan qiimayaasha labada kooxood hadana Blues ayaay ku adkaysanaysa in ay doonayso in ay hesho lacagta oo dhamaystiran hadii kale uuna Hazard kooxda ka tagi doonin.

Heshiiska Hazard ayaa dhici doona xagaaga waxana uu xiddiga 100 kulan u saftay xulka qarankiisu diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Ku ciyaarta Stamford Bridge.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here