Waa Maxay Sababta Ganaaxa Chelsea Laga Saaray Suuqa Kala Iibsiga Uu Ugu Fiican Yahay James Rodriguez Uguna Xun Yahay Real Madrid & Eden Hazard.

Jimcihii Subaxnimadii FIFA ayaa si Rasmi ah u shaacisay in ay Chelsea ka ganaaxday laba suuq oo kala iibsiga ah kadib markii lagu helay dambi ah in ay la soo saxiixatay xiddigo aan qaan gaadhin.

Ganaaxaas ayaa war fiican u ah xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Bayern Munich amaahdana uga maqan Real Madrid ee James Rodriguez.

Isla markaasna u xun kooxda Real Madrid iyo xiddiga garabka uga ciyaara kooxda chelsea ee Eden Hazard kaas oo lala xiriirinayo Real Madrid bilhii ugu dambeeyay.

Kubad sameeyaha reer Colombia ee James Rodriguez ayuu u fiican yahay ganaaxa la saaray kooxda chelsea maadama ay Real Madrid isaga dib ugu yeedhan doonto dhamaadka xilli ciyaareedka waxana uu dib ugu laaban doonaa kooxda Real Madrid hadii ay waydo saxiixa xiddiga Eden Hazard marka la gaadho xagaaga.

Ganaaxa la saaray Cheslea ayaa u xun xiddiga garabka uga ciyaara chelsea iyo kooxda Real Madrid maadama ay Los Blancos si aad ah u doonaysay saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara chelsea ee Eden Hazard.

Dhanka kale ganaaxa ayaa u Xun Eden Hazard maadama uu si weyn u filayay in uu xagaaga ku biiro kooxda Real Madrid dhawr jeerna qirtay in ay tahay kooxdiisa Riyada.

Hazard ayaa xitaa diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda chelsea si ay dhamaadka xilli ciyaareedkan ugu fududaato in uu ku biiro Real Madrid.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here