Waa Maxay Sababta Ayna Man United Tababare Buuxa Uga Dhigi Doonin Tababare Ole Gunnar Solskjaer?

Ole Gunnar Solskjaer ayaa si cajiib ah ku bilowday xirfadiisa tababaranimo ee Man United kadib markii uu shaqada si ku meel gaadhka ah ugala wareegay tababre Jose Mourinh.

Laakiin xiddigii hore ee kooxda Man United Paul Parker ayaa sharaxay sababta ayna Man United tababare Ole Gunnar Solskjaer uga dhigi karin tababare buuxda ama si buuxda ula wareega shaqada.

Xiddigaha ayaa u muuqda qaar cusub, qaab ciyaareedkooda ayaa si weyn u horumray tan ilaa markii uu Ole Gunnar Solskjaer shaqada la wareegay iyaga oo guul gaadhay 5-tii kulan ee ay ilaa haatan ciyaareen tartamada oo dha.

Shaqada Ole Gunnar Solskjaer ee Man United ayaa dhamaan doonta dhamaadka xilli ciyaareedkan iyada oo maamulka Red Devils raadinayaan tababare si toos ah ula wareega shaqada xagaaga.

Laakiin dadka qaar ayaa haatanba maamulka United ugu baaqaya in ay Ole Gunnar Solskjaer si buuxda ugu dhiibaan shaqada kooxda.

Laakiin Daafacii hore ee Man United Parker ayaa sheegay in ay arintaas tahay mid ayna kooxdu qaban karin.

“Waxa uu yimid kooxda waxana uu keenay dhoola cadayntiisa waxana uu qof walba ka dhigay mid faraxsan, waxa aan ka soo saari kartaa qaabka ugu fiican marka uu xiddigu faraxsan yahay”.

“Laakiin mustaqbalka Fog uma malaynayo”.

“Inkasta oo uu fiican yahay xilli ciyaareedkan hadana waa in aad eegto mustaqbalka fog”.

“Man United waxa ay u baahan tahay tababare Soo jiidan kara xiddigaha waaweyn”.

“Marka loo eego khibrad la,aantiisa xiddiguhu ma dooni doonaan in ay ku biiraan kooxda uu hogaamiyo, wakiiladu ma jeclaysan doonaan in ay xiddigaha ay wakiilka u ihiin halkaas ka ciyaaraan”.

“Wuu heli doonaa xiddigo doonaya in ay u ciyaaraan Man United shaki la,aan”.

“Laakiin heli maayo xiddigaha ay Man United doonayso in ay hesho ee waaweyn sababta oo ah tababaraha ayaan ahayn mid soo jiidan kara xiddigo waaweyn”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here