Waa Maxay Sababta Ay Man United Uga Cabsi Qabto In Ayna La Saxiixan Doonin Paul Pogba?

0

Kooxda Juventus ayaa ka cabsi qabta in ay waydo fursad ay Paul Pogba dib ugu celiso Turin wakhtiga soo socda.

Bianconeri Ayaa xiddiga reer France ka iibisay Man United suuqii xagaaga isaga oo Red Devils ugu soo laabtay lacag rikoodh jabis ah.

Pogba ayaa ku fashilmay in uu u soo celiyo Man United Lacagtii isaga oo ku dhibaatooday qaab ciyaareedkiisa gaar ahaan qaybtii hore ee xilli ciyaareedkan.

Xiddiga reer France ayaa xiriir xun la lahaa tababare Jose Mourinho waxana ay hadalo isku waydaarsanayeen Saxaafada bilowgii xilli ciyaareedkan.

Laakiin Shaqo ka caydhintii jose Mourinho iyo imaatinkii Ole Gunnar Solskjaer ee Old Trafford ayaa Paul Pogba u qaaday heer kale.

Xiddiga ayaa 4 gool dhaliyay 3 kalena caawiye ka noqday 3-dii kulan ee uu u ciyaaray kooxda kadib shaqo ka caydhintii jose Mourinho.

Juventus ayaa haatan ka cabsi qabta in ay fursadeedii la soo saxiixashada Pogba dhimatay maadama uuna Mourinho hogaamin kooxda Man United.

Solskjaer Ayaa si cad u sheegay in uu doonayo in uu Man United ku dhiso Pogba isaga oo amaan ugu qubeeyay xiddiga tan ilaa markii uu shaqada kooxda qabtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here