Waa Maxay Sababta Ay Man City U Doonayso In Ay Arsenal Si Toos Ah Ula Wareegto Xagaaga Xiddiga Denis Suarez?

Kooxda Arsenal ayaa xiddiga khadka dhexe ee Denis Suarez kula soo wareegtay heshiis amaah ah intii uu furnaa suuqii January ee bishii hore.

Man City aya si gaar ah isha ugu haysa horumarka xaalada xiddiga reer Spain iyaga oo si aad ah u doonaya in ay kooxda Arsenal si toos ah ula wareegto xiddiga dhamaadka xilli ciyaareeedkan.

Gunners ayaa dookh u haysata in ay 18 milyan oo euro kula wareegto xiddiga marka uu dhamaado heshiiska amaahd ah dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Suarez ayaa isaga tagay Barcelona kadib markii uu ka baxay qorshaha tababare Ernesto Valverde waliba diiday in uu kaydka u sii fadhiyo kooxda.

Man City ayaa ah kooxdii hore ee Denis Suarez ka hor inta uuna ku biirin kooxda Barcelona sidaas darteed hadii ay Arsenal si toos ah ula wareegto xiddiga xagaaga waxa ay Man City jeebka ku shuban doontaa lacag dhan 4 milyan oo euro.

Suarez ayaa ka soo baxay Akademiyada Man City waxana uu Barcelona kaga biiray sanadkii 2013 waxana ay ku heshiiyeen in ay helaan lacag dhan 20% lacag walba oo mustaqbalka lagu iibiyo xiddiga.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here