Waa Maxay Sababta Ay Man City Hal Kulan Oo Dheeri Ah U Ciyaartay Premier League?

0

Kooxda Man City ayaa xalay ciyaartay kulan ka tirsan todobaadkii 27-aad ee horyaalka premier League inkasta oo ay kooxaha kale ciyaareen todobaadkii 26-aad.

Man City ayaa haatan si ku meel gaadh ah hogaanka horyaalka premier League goolal ugu haysa kadib guushii weynayd ee ay ka gaadhay Chelsea.

Hadaba sababta ay City u ciyaartay kulanka dheeraadka ah ee ayna kooxaha kale ciyaarin premier League ayaa ah in loo soo horaysiiyay kulanka ay Everton ka badiyeen.

City ayaa kulankaas Everton ciyaari lahayd 24 bisha February Laakiin xiriirka FA-ga ayaa soo qadimay kulankaas sabab la xiriirta finalka Carabao cup-ka.

Kooxda Man City ayaa la ciyaari doonta Chelsea finalka tartanka 24 bisha February sidaas darteed waxa ay xiriirka FA-ga ka codsadeen in loo soo qadimo kulanka.

Kooxda chelsea oo iyaduna kooxda Brighton la ciyaari lahayd 24 bisha February Ayaa dalbatay in loo baajiyo kulankaas marka ay wakhtigiisa gaadho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here