Waa Maxay Sababta Ay Liverpool Si Rasmi Uga Hadhay Xiisaha Timo Werner, Xiddig Liverpool Jooga Ayaa Sabab U Ah?

0

Kooxda Liverpool ayaa si weyn loola xiriirinayay weeraryahanka kooxda RB Leipzing ee Tim Werner laakiin waxa jirta sabab weyn oo uuna ugu soo biirayn Liverpool.

Xddiga kooxda RB Leipzing ayaa ku soo baxaya shaxda tababaee Jurgen Klopp.

Waa xiddig da,yar ah oo waliba lagu heli karo qiimo jaban marka loo eego tayadiisa iyo suuqa maanta jooga iyada oo lau qiimeeyo 70 Milyan oo euro.

Wargayska Bild ayaa sheegaya in kooxda RB Leipzing ay u soo bandhigtay heshiis cusub si ay kor u qaado qiimaha lagu bur-burin karo heshiiskiisa.

Kooxda Bayern Munich iyo Bourssia Dortmund ayaa sidoo kale xiiso u qaba saxiixa xiddiga reer Geramny.

Laakiin wargayska Evening Standard ayaa sheegaysa in ay Liverpool naftooda ka badbaadin doonto 70-kiisa milyan iyo hal xiddig oo sabab u ah.

Wargayska ayaa sheegaya in ay Liverpool isaga hadhay gabi ahaan xiisaha xiddiga reer Germany sabab la xidhiidha xiddiga Rhian Brewster.

Xiddiga ayaa dhaawac ku maqnaa tan ilaa markii uu kaga soo biiray kooxda chelsea sanadkii hore isaga oo dhaawac dheer oo kuraanta ah soo gaadhay.

Brewster ayaa ku dhashay kuna kuray London Sanadkiisii ugu horeeyayna ku qaatay Kooxda chelsea ka hor inta uuna Liverpool ku biirin sanadkii 2014.

Sidaas darteed Klopp ayaa qorshaynaya in uu xiddiga siiyo fursad uu isku muujiyo bilowga xilli ciyaareedkan dambe.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here