Waa Maxay Sababta Ay Ku Biirista Frenkie de Jong Ee Barcelona Ugu Xuntahay Man United & PSG Uguna Fiican Tahay Tottenham?

Kooxda Barcelona ayaa xalay si Rasmi ah ugu dhawaaqday saxiixa xiddiga khadka dhexe ee aadka loo qiimeeyo ee Frenkie de Jong kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Ajax isaga oo xiddig Barcelona ah noqon doona dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Laakiin ku biirista Frenkie de Jong ee kooxda Barcelona ayaa u xun kooxaha Man United Iyo PSG laakiin u fiican kooxda Tottenham.

Frenkie de Jong ayaa Barcelona ugu soo biiray lacag dhan 90 milyan oo euro isaga oo noqday saxiixii ugu weynaa ee ilaa haatan laga sameeyay suuqa January.

21 jirkan ayaa ka mid ah xiddigaha sida aadka ah looga qiimeeyo yurub waana xiddig mustaqba fiican ku leh kubada cagta.

Laakiin ku biirista Frenkie de Jong ayaa war xun u ah kooxaha Man United iyo PSG maadama ay labada kooxoodba jeclaayeen in ay la soo saxiixdaan xiddiga kale ee kooxda Ajax ee Matthijs De Ligt oo ka ciyaara daafaca dhexe.

Sida De Jong xiddiga Matthijs De Ligt ayaa ka mid ah xiddigaha sida cajiibka ah ugu soo kacaya kubada cagta waana xiddig aad loo qiimeeyo.

Kooxaha PSG iyo Man United ayaa doonayay in Matthijs De Ligt ku xoojiyaan difaacooda laakiin dhibaatada ayaa ah in ayna Ajax haatan wax dhibaato dhaqaale ah ku jirin kadib iibkii De Jong iyaga oo aan u baahnayn in ay xiddiga iska iibiyaan.

Sababta ay ku biirista De Jong ee Barcelona ugu fiican tahay ayaa ah in ay kooxda Tottenham haatan xor u noqon karto in ay hesho saxiixa xiddiga kooxda PSG ee Adrien Rabiot kaas oo si weyn loola xiriirinayay Barcelona.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here