Waa Maxay Sababta Ay Chelsea Kharta Ugu Jirto In Ay U Seegto Zinedine Zidane, Waana Tee Kooxda Uu Doonayo Tababaruhu?

Kooxda chelsea ayaa khatar ugu jirta in ay waydo tababarihii hore ee kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane hadii ay shaqada ka caydhiso Maurizio Sarri.

Chelsea ayaa Zidane u wayi karta kooxda Juventus sida ay sheegayaan wararku.

Zidane ayaa ka mid ah tababaryaaasha lala xiriirinayo kooxda chelsea si ay ugu badalaan Maurizio Sarri hadii ay shaqada ka caydhiyaan.

Sarri ayaa khatar ugu jira in laga caydhiyo shaqada Blues todobaadka dambe hadii ay sii socdaan natiijooyinka xun.

Chelsea ayaa caawa la ciyaari doonta Malmo kulan Europa League ah ka hor inta ayna Axada la ciyaarin Man City Finalka Carabao cup-ka kadib waxa ay horyaalka la ciyaari doontaa Tottenham.

Laakiin tababaraha 3-da jeer ku guulaystay champions League oo aan waxba ka aqoon luuqada Englash-ka ayaa sidoo kale lala xiriirinayaa Juventus isaga oo doonaya in uu tababare u noqdo kooxdiisii hore.

Tababaraha Haatan ee kooxda Juventus ee Max Allegri ayaa khatar ugu jira in uu waayo shaqadiisa kadib guuldaradii champions league ka soo gaadhay Atletico Madrid.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here